Kenya oo waysay lacag dhan 4.64 bilyan oo ay ku raadinaysay

Dowladda Kenya ayaa Midowga Yurub iyo daneeyeyaasha kale waxa ay ka heshaa lacagta ay ku qaadato ciidamadeeda Soomaaliya kula dagaalamaya Al-Shabaab, sidda ay warsiday bogga afka dheer ee Business Daily.

Inkasta oo dib u dhac uu ku yimid, kharashkan waxa ay ahayd in la bixiyo June, 2020. Sidda ay muujineyso xogta, lacagtan dhan 4.64 bilyan oo lacagta Kenyaanka ah ayaa waxaa ku jirta sarre u kac todoba boqolkiiba ah.

Bixinta ayaa meesha ka saartey walaacii ahaa in dhaqaalaha loo yareyn doono sabab la xiriirta aafada ama safmarka dunida gilgilay ee Coronavirus. Sanadkii hore, Kenya waxay heshay 4.32 bilyan Kenyan Shilings.

Xukuumadda Nairobi ayaa rajeyneysay in ay heli doonto shan bilyan oo Doolar. Sidda ku cad warbixinta jaraa’idka, xagaaga soo aadan ee June, 2021, Kenya waxay quudareyneysaa in ay hesho aduun dhan 3.5 bilyan.

Sanadkii 2017-kii, Kenya ayaa magaca AMISOM ku qaadatay 7.44 oo lacagta waddankeeda ah, waana mid kamida sanadihii ugu badnaa.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa xilii ciidamadda Kenya lagu waddo in Soomaaliya laga soo saaro 2021 iyaddoo la fulinayo qorshaha kala guurka ee amniga si mas’uuliyada amni ula wareegaan dhigooda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Monica Juma oo u warantay Daily Nation ayaa xustay in ciidankooda la saarayo marka laga adkaado Al Shabaab isla markaana ciidamadda Soomaaliya awood u yeeshaan sugida ammaanka.

Sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya iyagoo aan kamid ahayn AMISOM oo ay dib kaga biireen, waxa ayna gaystaan tacadiyo ka dhan ah bini’aadanimada oo ay ka mid yihiin dil, xarig iyo afduub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More