KENYA oo shaacisay go’aan ka dhan ah Soomaaliya + sababta – Axadle
Nairobi (Axadle) Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo aargudasho ah kadib markii dowladda Soomaaliya ay dhawaan shaacisay inay wali hakineyso soo dejinta qaadka Mirra.
- Advertisement -
Maamulka Duulista Hawada ee Kenya ayaa shaaca ka qaaday in la joojiyay dhamaan duulimaadyadii ka bixi jiray iyo kuwii ka imaan jiray dalka Soomaaliya, marka laga reebo gargaarka iyo diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee la shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobay.
Hay’addu waxay sheegtay in go’aankaas uu dhaqan-galayo 11-ka May illaa 9-ka Ogosto, 2021-ka.
Markii la soo saaray go’aankaas, wuxuu durbadiiba saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah ee u safraya Soomaaliya, kuwaasoo loo diiday inay galaan Kenya saakay.
Wararka ayaa sheegaya in talaabadani ay imaaneyso iyadoo qaadka si sharci darro ah looga soo daabulayo dalka Kenya oo la geeyo Soomaaliya.
Horumarkaan ayaa imanaya maalmo un kadib markii labada dowladood ay soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee hakadka ku jiray dhamaadka sanadka 2020.