Kenya & Itoobiya oo ammaanka Xadka ay wadaagaan u adkeeyay
Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa lasoo dhigay Xadka dalkaas uu la wadaago Kenya, halka Xukuumadda Nairobi ay joojisay dhaq-dhaqaaqa Magaalooyinka xiga Soohdinta Dowladda Federalka Itoobiya ay la wadaagto.
- Advertisement -
Sababtu waa safarka Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed maanta oo Arbaco ah uu ku tagay Kenya si mashruuc ay kawada faaiideysanayaan labada dal ay u furaan isaga & Hogaamiye Uhuru Kenyatta.
Cabbir ahaan dhulka mashruucaan ku kacay ayaa ah 861 KM oo isku xiraya Marsabit, Turkana, Wajeer & Mandheera, waxaana la xadiday dhaq-dhaqaaqa dhammaan Magaalooyinka kala duwan ee mashruucu saameynayo.
Hogaamiyaha Kenya Uhuru Muigai Kenyatta & Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa kawada hadlaya Xaaladda Siyaasadeed ee labada dal, Xoojinta xiriirka & Isbadalka ka socda Geeska Afrika.
Waa safarkii ugu horeeyay uu Abiy uga baxo Itoobiya tan iyo 4-tii November 2020 oo maamulkiisu faraha la galay dagaal ka dhan ah Ismaamulka Tigray ee ku xooggan Waqooyiga Dalkaas.
Kenya & Itoobiya waxaa ka dhaxeeya Xiriir qabow, Uhuru kuma jiro Isbaheysiga gaar u ah Abiy Ahmed Raysul Wasaaraha Itoobiya, Isaias Afwerki Hogaamiyaha Eretareeya & Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweyaha JFS.
Axadle.