Jubbaland oo xukun dil ah ku riday nin loo haysto weerarkii

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta Jubbaland oo maalmahan waday dhageysiga dacwadda loo haysto Deeqow Caliyow Kuusow oo 19 jir ah laguna eedeeyay in uu kana mid ah Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo 12 kii July sanadkii hore, ayaa maanta xukun ku riday dhagar qabaha.

Dhageysiga kiisaskaan oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta maxkamadda ay soo saartay xukun dil toogasho ah oo lagy riday ninkaan magaciisa afgarashadu yahay Muhaajir sida uu ku dhawaaqay Bashiir Maxamuud Xareed garsooraha 1aad ee maxkamadda.

Weerarkii Hotel Cascasey ee Magaalada Kismaayo waxaa ku dhintay dad badan oo ay ka mid ahaayeen Hodan Naleye & Saygeeda oo Hotelka ku sugnaa xilliga weerarka dhacaayay.

Wariye Maxamed Sahal Gacmadheere oo   ka howlgalayay Telefeshinka SBC ayaa isna kamid ah dadka ku geeriyooday weerarkaas.

Waxa kale oo kamid ah dadka ku dhintay weerarkan Ganacsade lagu magacaabi jiray Arbacow Rukun iyo Deeq Ciise Wabi oo u shaqeynayay Hay’ad aan dowli ahayn.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in halkaasi ay ku dileen ku dhawaad 20 ruux.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More