Iska hor imaad dhexmaray Ciidamada DFS & Koox hubeysan oo ka

Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya & Koox hubeysan ayaa iska hor imaad kooban ku dhexmaray Isgoyska Furayaasha Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho sida ay Axadle u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Iska hor imaadka ayaa ku bilawday Qaraxyo, waxaana xigay rasaas dhexmartay Askarta Dowladda & kooxda weerartay, waxaana muddo kooban hakad galay isu socodka Gaadiidka halka la xiray Goobaha Ganacsiga.

Ciidamo Booliis ah ayaa gurmad ahaan ugu tagay Askarta kale ee ku sugan Isgoyska gaar ahaan Laanta Barwaaqo Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Saraakiil katirsan Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Axadle u sheegay in ay qabteen Gaari Nuuciisu yahay Toyota Noah & dad la socday oo ay ugu shakiyeen in weerarka laga fuliyay.

War intaas dhaafsiisan kama soo bixin Hay’adaha ammaanka, sida Khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka, dadka la qabtay haddii ay yihiin kooxda Weerarka fulisay & dhankooda waxyeelada gaartay.

La soco wixii kasoo kordha.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More