Hoggaamiyaha Tigray oo sheegay in ay soo rideen Diyaarad

Ciidamada Ismaamulka TIgray

Xooggaga waqooyiga Itoobiya ee Tigray ayaa sheegtay in ay soo rideen diyaarad militari oo ay adeegsanayeen ciidanka Federaalka oo dagaal xooggan muddo saddex todobaad ah kawada ismaamulkaas.

Debretsion Gebremichael hoggaamiyaha Ismaamulka Tigray oo la hadlay oo la hadlay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in diyaaraddaas military ay soo rideen, isla markaana ay qabteen duuliyihii Diyaaradda.

Sidoo kale hoggaamiyaha Ismaamulka Tigray ayaa sheegay in magaalada Aksum oo muhiim u ah Jabhadeyntooda ay dib u qabsadeen, kadib markii ay gashay gacanta Ciidamada Federaalka, maadaama Xukuumadda Addis Ababa ay xoojisay duulaanka ka dhanka ah TPLF.

Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maalin kahor ku dhawaaqay in wajiga 4-aad ee howlgalka ka dhanka ah Tigray uu gaba-gabayo marayo, maadaama Magaalada Mekelle laga qabtay TPLF.

Dowladda Federaalka Itoobiya wali kama aysan hadlin sheegashada Ismaamulka Tigray ee ah soo ridista diyaaradda Militari & dib u qabsashada magaalado muhiim u ah dib u muujinta awooddooda.

Abiy Ahmed oo xafiiska la wareegay 2018-kii ayaa galay tijaabada ugu weyn ee muruq muujintiisa maamulka Itoobiya, maadaama Tigray awoodda Dalkaas muddo dheer hoggaanka u heysay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Dawo yari ay ka jirto Waqooyiga Itoobiya, kadib markii dhaawacyada waxyeelada ku gaartay dagaalka ay kordhiyeen, sidaas awgeed waxa ay dalbatay in dawo degdeg ah halkaas la geeyo.

Isha: Reuters / Aljazeera / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More