“Hir-Shabeelle sababta loogu dagaalamayo waa 45-Kursi oo

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii labaad DG Hir-Shabeelle ayaa faah-faahiyay sababta uu uga haray loolanka Doorashada & go’aanka uu ku shaaciyay in uu isku casilay xili lagu dhawaaqay Baarlamaanka labaad, lana dhaariyay.

Waare ayaa sheegay in dano siyaasadeed lagu xiray dhismaha DG Hir-Shabeelle, maadaama dhismaha maamulkaan lagu soo beegan waqtita loolanka doorashada dalka uu socday 2016-kii, & haatan oo dalka isu diyaarinayo Doorashada 20/21.

“Nidaamka Federaalka oo lagu kala qaybiyay Gobollada dalka waxaa kasoo haray Banaadir oo caasimadda ah, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe, waxa ay Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud Go’aamisay in la dhiso Hir-Shabeelle” Maxamed Cabdi Waare.

“Neefka Xoolaha markii uu caatoobo oo Cudur & gaajo isugu darsamo waxa uu gaaraa in maqaarkiisu ka qiimo bato neefka oo dhan, marka Hir-Shabeelle waxaa lagu dagaalamayo waa 45-Kursi oo taalla, tii horena 2016-kii saas ayay aheyd” Waare.

Waa uu sii hadlay Waare waxa uuna yiri “Nasiib darro, Hir-Shabeelle waxaa la dhisay iyada oo lagu sarqaansan yahay doorashada 2016/17, Xildhibaannada waxaa lagu qoray iyadoo lasoo qoranayo si loo xaliyo dano siyaasadeed, ka fiirsasho la’aantaas, degdegaas & wada hadal la’aantaas ayaa sababay in aan la isku calool furnaan”.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maslaxada Shacabka Hir-Shabeelle aan laga fakirin, balse mas’uuliyiinta DFS ay ka dhex eeganayaan danahooda gaarka ahaan sidii markale dib ugu soo laaban lahaayeen xilalkooda.

“Hir-Shabeelle labo ciladood ayaa ka jirta, tan koowaad waa baarlamaanka oo aan isu dheeli-tirneen, beelaha waa lagu kala sareysiiyay ilaa la gaarsiiyay in loo kala qaybiyay xilalka hoggaanka Maamulka, tan labaad mar waliba doorashada Hir-Shabeelle waxa ay ku beegan tahay doorashada Federalka, haddii aan la kala qaadin degdeg ayaa lagu dhisaa marwaliba” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynihii hore ee DG Hir-Shabeelle ayaa sheegay in aamusnaanta & taageerista aan diidmada ka muuqan DFS, Duubabka dhaqanka, Xildhibaannada Federaalka & saamileyda maamulkaas.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More