Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya oo Shuruud

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socota Muwaadiniinta Kenyanka ah ee doonaya in ay soo galaan dalka ama usoo safraya.

Warqad kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyada oo laga fakirayo tallaabooyinka Amniga & kahortagga faafitaanka Covid-19 in muwaadiniinta Kenyanka laga doonayo in ay Safaaradda kasoo Soomaaliya ka qaataan Dal-kugal.

Digniinta kaliya kuma sinna dadka shacabka, waxaa lagu daray Diplumaasiyiinta, waxaana la hordhigay in warqad fasax ah ay ka qaataan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya.

Hay’adda Sodaalka & Jinsiyadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay dhaqangelinta amarkaan la xiriira dhaq-dhaqaaqa muwaadiniinta Kenyanka ah ee dalka soo galaya.

Xiriirka Soomaaliya & Kenya ayaa sii xumaanaya, Xukuumadda Federaalka ayaa u yeertay Danjire Tartan, halka Muqdisho ay ceerisay Safiirka Kenya ee Soomaaliya si wadatashi uu ula sameeyo madaxdiisa.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More