Guddoomiye Mursal oo Villa Somalia & Beesha Caalamka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa saaran culeys siyaasadeed oo uga imaanaya Madaxtooyada Soomaaliya oo damacsan in uu dardargeliyo kulamada Baarlamaanka isla markaana lagu xaglinayo in ay damacsan tahay muddo dheereysi & Beesha Caalamka oo diiday go’aankaas.
- Advertisement -
Buuqa ka dhashay Kulankii Sabtida baaqday waxa uu jiho cusub u furay muranka siyaasadeed ee salka ku haya Doorashooyinka Dalka oo ku sinnaa Hogaamiyayaasha Fedederaalka & Dowlad-Goboleed maadaama Baarlamaanka uu bishii September 2020 iska wareejiyay awoodda maamul ee Doorashada Dalka.
Cabashada hordhaca ah ee Khamiistii ay soo jeediyeen 100-Xildhibaan oo muujiyay in muddo kororsi Hay’adaha Dowladda muddo xileedkoodu dhammaaday ay damacsan yihiin, waxa ay toos ku ifisay kulankii sabtida 27-ka Maarso 2021 oo buuq u furmi waayay.
Ganaaxa Guddoomiye Mursal uu dul dhigay 15-Xildhibaan ee tuhmay ajendaha ayaa keenay dhaliyay cabasho xalay xili dambe soo gaartay & goodinta mudanayaashaas oo sheegay in ay tagayaan fadhiga inkasta oo markii dambe la baajiyay.