Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle oo oo ku baxay
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan si uu qayb uga qaato xalinta caqabadda hortaagan safarka Hogaamiye Cali Guudlaawe ee Magaaladaas.
Socdaalka Hogaamiyaha waxaa hortaagan Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud, kadib markii uu sheegay in uusan ku qancin doorashada Hogaamiye ee DG Hir-Shabeelle oo uu damac ka lahaa.
Todobaadkii tagay labo jeer ayuu Cali Guudlaawe uu ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii maleeshiyo daacad u ah Xuud ay degeen meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.
Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Hir-Shabeelle oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ku biiraya kulamada xalka loogu raadinayo hirgelinta Safarka Hogaamiyaha Maamulkaas.
Dhismaha DG Hir-Shabeelle ayaa la dhameystiray 11-kii November 2020 kadib markii la doortay Hogaamiyaha & ku xigeenkiisa, waxaana isbadal uu ku yimid 4-sano kadib hab qaybsiga beelaha hoggaanka maamulkaas.
Haddaba, suuragal ma tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle uu ku guuleysto xal ka gaarista caqabadda hortaagan safarka Cali Guudlaawe ee Baladweyne?
Axadle.