Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dadaban oo soo

Guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ee ay soo magacaabeen Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleeyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo tababar mudooyinkii dambe uga socday magaaladda Muqdisho ayaa soo saaray bayaan ay ka hadlayaan waxyaabaha u qabsoomay mudooyinkii shirku u socday.

Guddiga doorashooyinka waxay codsadeen in si degdeg loogusoo biiriyo xubnaha ka dhiman, ka hor inta aan la gaarin doorashada Guddoomiyaha guddiga doorashada iyo Ku Xigeenkiisa oo guddi loo saaray.

“Waa muhiim ah xilligan adag inaan waqti kale oo dheeri ah dalka laga lumin. Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Guddiga doorashada iyagoo gudanaya waajibaadkooda waxay tilmaameen in ay hadda gacanta ku hayaan shuruudaha jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan.

Guddigan oo ka kooban 20 xubnood ayaa qeyb ka ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020. Waxaa ka dhiman 4 xubnood oo ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More