Goodax Barre oo labo arrin uga digay HirShabelle –

Muqdisho (Axadle) – Wasiirkii hore ee  waxbarashada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo muddo xileedkiisu dhammaan, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne.

Goodax Barre oo wareyso gaar ah siiyey Soomaali Cable TV ayaa uga digay maamulka HirShabelle in la’is ku xiro safarka Cali Guudlaawe iyo arrimaha doorashooyinka.

Xidlhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in safarka madaxweynaha HirShabelle ee Beledweyn uu xiisad horleh ka dhaliyey magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

“Waxaa soo kordhay in Maamulka Hir-Shabelle uu sameynayo isku day ah is dhexgelinta siyaasadda doorashada, cabashada taagneed iyo safarka Cali Guudlaawe, taasi waxa ay dhalisay xiisad cusub,” ayuu wareysigan ku yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin sabab doorashada looga wareejiyo Beledweyn, maadaama ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

“Beledweyne amnigeeda waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda federalka, mana jirto sabab loo damco in doorashada laga wareejiyo balse dad ayaa isku xiraya doorashada iyo diidmada safarka Madaxweyne Guudlaawe” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Goodax Barre.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay fashilmeen wada-hadalladii xal raadinta ahaa ee maalmahan ka socday gudaha degmada Beledweyne kadib markii ay siyaasiyiintii iyo xildhibaannadii tegay magaaladaasi ay qorsho kale la yimaadeen, sida uu hadalka u dhigay.

HirShabelle ayaa weli wajaheyso caqabado xoogan oo sababay in aysan weli guda-gelin doorashada Aqalka Sare ee ka bilaabatay xarumaha kale ee maamul goboleedyada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More