Gobaladda Waqooyi oo ka laabatay xayiraad ay saartay shirkad u hoga…

Hargeysa (Axadle) – Xukuumadda Gobaladda Waqooyi ayaa maanta dib u fasaxday Shirkadda Diyaaradaha ee Fly Dubia oo kal hore ay xayiraad kusoo rogtay, midaasi oo joojisay duulimaadyadii ay sameyn jirtay.

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Gobaladda Waqooyi, Cumar Sayid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Fly Dubai ay dib usoo buuxisay shuruudihii looga baahna ee sababay in la joojiyo duulimaadyadeeda.

Gobaladda Waqooyi ayaa hore u soo saartay amar ay ku mamnuucayso in shirkadaas aysan ka shaqeyn Gobaladda Waqooyi, kadib markii ay shirkadda u hoggaansantay amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Mareeyaha ayaa carabka ku adkeeyay in dhammaan diyaaraddaha ka shaqeeya degaanada Gobaladda Waqooyi kaliya ay qaadan karaan Amarka Gobaladda Waqooyi, islamarkaana ay ku shaqeyn karin mid ka duwan.

Gobaladda Waqooyi oo ku dooda inay tahay dal madax banaan ayaa ka carootay amar kasoo baxay dowladda federaalka, oo ayadu gacanta ku haysa maamulka Hawada Soomaaliya oo qeyb ka tahay Gobaladda Waqooyi.

Dowladda federaalku Soomaaliya ayaa 19-kii March 2020 dib u celisay diyaaradii Fly Dubai oo qorshaheedu ahaa inay ka dagto madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Gobaladda Waqooyi ayaa xilligaas sheegtay in arrintaasi ay la macno tahay in Villa Somalia ku iclaamisay dagaal ka dhan ah Xukuumadeeda, maadama ay soo faro-gashatay hawadeeda, waa sida uu hadalka u dhigay Wakiilka Gobaladda Waqooyi ee Qaramada Midoobay.

Dowladda federaalka ayaa xilligaas joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka, midaasi oo dhalisay in dib loo celiyo diyaaradaasi oo rabtay inay ka soo dagto madaarka Gobaladda Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More