Ghana oo 60-sano Qaramada Midoobay ugu deeqday 78,000
Dowladda Ghana ayaa door wanaagsan ka qaadatay howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, waxa ay safka hore kasoo gashay waddamada degdeg ah uga jawaaba marka loo baahdo Askar.
Warbixin laga diyaariyay doorka Howlgalka Ciidamada Ghana oo lagu daabacay Peace FM Online waxaa lagu soo bandhigay waxyeelada gaartay, liiska dalalka Askartooda ay ku dhinteen howlgalka Nabad ilaalinta, waddamada ay tageen & tirada guud askarta ay dhiibtay.
Waxaa lagu sheegay Warbixin ku saabsan 30 ka September 2020 in la diiwaangeliyay liiska naftood hurayaasha xirtay dharka Ciidamada Nabad ilaalinta ee ku howlgalay Magaca Qaramada Midoobay.
Laga soo bilaabo 1948-dii, Qaramada Midoobay waxaa howlgal uga dhintay 4,006-ruux oo lagu kala dilay dalal kala duwan, waxaana ay kasoo kala jeedaan waddamada kala ah:
1-India – 173
2-Nigeria – – 155
3-Pakistan – 153
4-Bangladesh – 153
5-Ghana – 142
6-Ethiopia – 133
7-Canada – 123
8- France – 114
9-UK – 106
10-Zambia – 82
Dowladda Ghana ayaa howlgalka Nabad ilaalinta u yaboohday 78,000 oo askar ah laga soo bilaabo 1960-kii oo haatan laga joogo 60-sano, 15-ka Howlgal ay ka sameeyeen: Liberia, Sierra Leone, Ivory Coast, Rwanda, Egypt, Lebanon, Somalia, dagaalkii dhexmaray Ethiopia & Eritrea, isku dhicii Kuwait & Iraq, Yugoslavia & Cambodia.
Isha: Peace FM Online / Axadle.