Geelle:- Taliyeyaasha ciidamada waxa aan leeyahay amarka
Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku eedeeyay Hogaamiyaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in ciidamo ku geeyay wadooyinka magaaladda Muqdisho si ayuu yiri “shacabka loogu dhibo wadooyinka caasimadda”.
Geelle Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ayaa yiri” Muqdisho waxaa ku cusub dhacdo aad iyo aad u qalafsan oo ah in dowladda Soomaaliya ay ciidamo ku goysay jidadka iyada oo uga jeeda arinkaasi in qalqal siyaasadeed iyo daganaan la’aan ku abuurto dadkana nolosha lagu sii dhibo” ayuu yiri Geelle.
Geelle oo ku eedeeyay Hogaamiye Farmaajo in uu u diiday shacabka magaaladda muqdisho xoriyada hadalka ayaa kula taliyay saraakiisha ciidamada in aan loo adeegsan caburinta shacabka sida uu hadalka u dhigay.
“Taliyayaasha ciidamada waxa aan leeyahay amarka qaldan lama fuliyo, amarka qaldan hadii aad fuliso waxa uu la midyahay adiga oo masuuliyadii qof kale{Hogaamiyaha} qaadi leheed dhabarka u rita, waxaan rabaa in aan idin saxuusiyo xuquuqda muwaadinka oo lagu xadgudbo, waxba ma dhaanto xuquuqda madaxweynaha oo lagu xadgudb” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha ee 2021.
“Muwaadiniinta xaqa nolosha iyo xurmada waa ay ka simanyihiin,xilalka ayay ku kala sareeyaan” ayuu hadalkiisa raaciyay isaga oo ciidanka amaanku ugu baaqay in aysan qayb ka noqon waxa uu ugu yeeray caburinta shacabka.
Shacabka ayuu Geelle sheegay in aysan helin waxyaabihii ay xaqa u lahaayeen.
Hadalka Geelle ayaa yimid iyada oo maanta ciidamo iskugu jira milatari iyo boolis ay xireen wadooyinka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sababo la xiriira in banaanbaxyo ay ka dhacaan magaalladda Muqdisho.