Farmaajo iyo Uhuru oo ku kulmay Jabuuti – AxadleTM
Magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalkaasi waxaa maanta oo Axada ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynah dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
- Advertisement -
Shirkan oo la sheegay inuu yahay mid aan caadi ahayn ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo hadda taagan.
Labada hogaamiye waxay is-aragooda diiradda ku saareen xaaladihii ugu dambeeyay ee xiriirka diblumaasiyadeed ee meeshii ugu hooseeyay gaarey. Hogaamiyayaasha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa qayb ka ahaa kulanka Farmaajo iyo Kenyatta.
Shirkan oo ay isugu imaanayaan waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa lagu waday inuu maanta si rasmi uga furmo Jabuuti balse ilaa haatan ma jiro wax shir ah halkaasi ka furmay oo weli waxaa maran kuraasta waxaana sababta lagu sheegay iney dib u dheceen qaar ka mid ah hogaamiyayaasha ka qeyb galeysa shirka.