Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada oo isfaham ka gaaray qodob aad la isugu hayey
Muqdisho (Axadle) – Xerada Afisiyooni waxaa Barqonimadii maanta ka furmay Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya Madaxda Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir si ay uga wada-xaajoodaan ka gudubka caqabadaha hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XIl-gaarsiinta, Shanta Madaxweyne Dowlad-Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Taandhada Afisiyooni.
Shirka ayaa Maanta wuxuu ku bilowday qaab dagan, waxaana la filayaa in horumar laga sameeyo qodobada la isku mari la’aa maalmihii la soo dhaafay ee ku saabsanaa ajandaha shirka rasmiga ee soo socdo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay rajo ah in shirka maanta is faham laga gaari doono.
Sida ay Axadle u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada, dhinacyada shirka leh ayaa isku fahmay mabda’iyan in la ballaariyo shirka soo socdo isla markaasna ay kasoo qeyb galaan xubno cul culus oo aan qeyb ka aheyn shirarkii hore.
Dhinacyada ayaa isku fahmay in furitaanka shirka soo socdo ay ka qeyb galaan Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynayaashi hore, Ra’iisul Wasaarayaashii hore iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Qodobkaan ayaa ahaa mid uu aad uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hadda muuqato in madaxweynaha looga adkaaday qodobkaan isla markaasna uu tanaasulay kadib maalmo badan oo la isku fahmi la’aa.
Qodobada kale ee illaa hadda aan heshiiska laga gaarin waxaa kamid ah in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday saxiixo warqada xil gaarsiinta, awooddana ku wareejiyo Xukuumadda amniga doorashada iyo in tallaab laga qaado taliyeyaashii ku lugta lahaa wixii dhacay 19 February.
Kulamada ayaa sii soconaya ilaa inta guud ahaan laga xalinaya khilaafka u dhaxeeya Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada oo labo dhinac u kala safan, waxaana kor kala socota Beesha Caalamka oo dadaal xooggan gelisay qabsoomidda fadhigaan.