Dowladda Faransiiska ayaa wajaheysa walwal xooggan oo lagu bartilmaameedsan kara Muwaadiniinteeda, kadib markii ay korortay carada ka dhalatay Aflagaadada uu Muslimiinta u geystay Hogaamiye Emmanuel Macron & taageerista sawir gacmeedka laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH.
Faransiiska ayaa laga diiwaangeliyay 8-Weerar oo laga soo bilaabay 2015-kii, waxaana ku dhintay muwaadiniin u dhalatay dalkaas, halka ay dhaawacmeen tiro dad ah oo ku sugnaa goobaha weeraradaas ka dhaceen.
- Advertisement -
Dhacadaadii ugu dambeysay shalay ay dhacday, kadib markii Nin Toorey wata uu beegsaday Kaniisad ku taalla Magaalada Nice, waxaana uu ku dhuftay mindida 3-ruux oo labo kamid ah ay dumar yihiin.
Dowladda France ayaa sheegtay in ay Askar u diyaarisay Goobaha ay isugu tagaan dadka si looga hortago weerarada jawaabta u ah ficilka uu sameeyay Hogaamiyaha dalkaas ee carada muslimiinta sababtay.
Lifaaqa Hoose ku dhufo (Guji) si aad u aqrisid Xogta weerarada ka dhacay Faransiiska 2015-2020.
Weerarada Faransiiska ka dhacay 2015-2020