Faah-faahin kasoo baxeysa Qarax ka dhacay Deegaanka Ceelasha
Sawir hore
Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa barqonimadii maanta ka dhacay Qarax la sheegay in loo dhigay Injineerada dhismaha ka waday laamiga isku xira Muqdisho & Afgooye.
Qaraxa ayaa sababay dhaawac soo gaaray Askar ilaalo u ah Injineerada laamiga saareysa Waddada xiriirisa Muqdisho & Afgooye sida Axadle ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka, inkasta oo aan laheyn tiro rasmi ah dhaawaca.
Markii uu qaraxa dhacay waxaa hakad muddo kooban ah uu ku yimid Howsha lagu dhisayo waddada, Inkasta oo shaqada ay dib u bilaabatay daqiiqado kadib sida ay Axadle u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Dhismaha waddada isku xirta Muqdisho & Afgooye ayaa mareysa Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dhiman in la dhameystiro dhowr iyo toban KM oo waqti kale qaadan karta in lagu soo gaba-gabeeyo.
Dhowr jeer ayaa qaraxyo loo dhigay Injineerada dhiseysa Waddada isku xirta Muqdisho Afgooye, muddo ayaa la hakiyay howsha laamiga lagu saarayo, kadib markii shirkadda Qandaraaska qaatay ay ku weysay qaar kamid ah howlwadeenadeeda.
Axadle.