Dowladda Sacuudiga oo u yeertay ROOBLE iyo madax

Muqdisho (Axadle) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay golaha wada-tashiga qaranka, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan Rooble iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka ay tegi doonaan magaalada Riyadh ee axadle wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay wada-hadallo kula galayaan madaxda sare ee dalkaasi.

Sida ay ogaatay Axadle socdaalka wafdigan culus ayaa salka ku haya arrimo la xiriira xoojinta xirriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga oo hooseeyey sanadiihii dambe.

Rooble ayaa haatan ku maqan dalka Masar, halka madaxda maamul goboleedyada ay ku soo wajahan yihiin Caasimadda Muqdisho oo ay uga qeyb-galayaan shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, walow uu maanta dib u dhac ku yimid shirkaasi.

Safarka ayaa soo shaac baxday, xilli xasaasi ah, isla-markaana xukuumadda xil-gaarsiinta ay ku howlaneyd arrimaha doorashooyinka iyo xoojinta xiriirka dibadda, waxaana wafdi ka socda xukuumadda oo uu horkacayo Rooble ay booqasho ku kala tageen Nairobi & Qaahira.

Sacuudiga ayaa la sheegay inuu qorshe weyn ka damacsan-yahay casuumadda Rooble iyo madax goboleedyada, maadaamna doorasho la galayo, waxaana tani oo kale ay dhacday sanadkii 2016, kadib markii dowladda Imaaraadka Carabta ay casuumaad wadajir ah u sameeysay madaxdii maamul goboleedyada ee xilligaas, waxayna kala hadsashay arrimaha doorashooyinka ee markaasi iyo sidoo kale in is-bedal laga sameeyo doorashadii 2017-kii.

Si kastaba, warkan oo illaa iyo hadda aysan ka hadlin dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa hadal heyn badan ka dhaliyey baraha bulshada, maadaama uu kusoo aaday, xilli xasaasi ah, Soomaaliyana ay haatan ku jirto xaalad adag oo kala guur ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More