“Doorashada Soomaaliya waa in aysan ka gudbin 20/21 oo ah

James Swan.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya James Swan oo la hadlay Teleefishinka AlJazeera ayaa ku baaqay in Doorashada 20/21 ku dhacdo waqtiga ay ku heshiiyeen hogaamiyayaasha heer federal & heer Dowlad Goboleed.

Swan ayaa sheegay in dhammaadka sanadkaan 2020-ka waxa uu shaaciyay in qorshaha uu yahay diyaarinta Senatarada Golaha Aqalka sare & Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo ah howsha ugu culus oo haddii laga gudbo doorashada kale ay fududaaneyso.

Waxa uu soo jeediyay in wadajir looga shaqeeyo ilaalinta nabadgalyada & in la dhaqangeliyo qodobada lagu heshiiyay in loo fuliyo doorashada Soomaaliya ka dhacda 4-tii sano mar sida uu hadalka u dhigay.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa tilmaamay in dhibaatooyin kala duwan dalkaan uu soo maray, sidaas awgeed waxa uu soo jeediyay in laga fogaado wax waliba oo sababi kara dhibaato dib ay ugu laabato Soomaaliya.

Wareysiga James Swan uu siiyay Teleefishinka AlJazeera waxa uu uga hadlay burburkii Dowladdii Militariga ahayd, howlgalkii rajo soo celinta 1993-dii, dhibaatooyinka bani aadamnimo, tixanaya dhismaha Dowladda Soomaaliya burburkii kadib & isbadalka maanta muuqda.

Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayuu sheegay in dadaal iyo waqti ku filan geliyeen Soomaaliya, sidaas awgeed loo baahan yahay in aan la dayicin dadaalkaas oo mira-dhalkiisu yahay sidii dib loogu soo celin lahaa awoodda Soomaaliya kahor 1991-dii.

Doorashada ayuu ku micneeyay in ay tahay dhismaha mustaqbal, balse waxa uu rajo beel ka muujiyay in dalka ay ka dhici weysay Doorasho qof iyo cod ah oo ah hamiga ugu weyn ee awoodda dib loogu celinayo shacabka si ay usoo doortaan qofka ay doonayaan.

Hoggaamiyaasha Soomaaliya ayuu sheegay in ay jecel yihiin qabsoomidda Doorasho qof & cod ah, balse duruufaha iyo xaaladaha ku gedaaman aysan suuragelineen in ay dhacdo afti dadweyne.

Qaramada Midoobay ayaa kor kala socota dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee lagu wajahayo Doorashada 20/21 oo muran ay ka keeneen musharixiinta Hogaamiyaha, kadib markii ay sheegeen in Nabadsugid & shaqaale madaxtooyo lagu biiriyay guddiga maamulaya Doorashada.

Isha: Aljazeera  / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More