Doorashada Madaxweynihii Saddexaad ee Hir-Shabeelle oo
Magaalada Jowhar oo aad loo adkeeyay ammaankeeda waxaa goordhaw ka bilaabatay doorashada Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle oo ay u tartamayaan Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe & Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan.
Cali Guudlaawe oo afartii sano uu dhisnaa maamulkaas ahaa Hogaamiye ku xigeen ayaa lasoo shaqeeyay Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii ugu horeeyay ee Hir-Shabeelle & Maxamed Cabdi Waare oo dhameystiray muddo xileedka Dowlad Goboleedkaas.
Waxaa ku lamaanan Doorashada Hogaamiye ku xigeenka DG Hir-Shabeelle oo labo musharax ayaa u tartameysa waana Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo labo jeer soo qabtay xilka Gudduumiyaha Gobolka Hiiraan 4-ta sano ay mideysan yihiin Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.
Waxaa la tartamaya Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) oo kamid ah maamulka Hir-Shabeelle, dhawaan ayuu isu diiwaangeliyay u tartamidda xilka Hogaamiye ku xigeenka maamulkaas.
Doorashada waa mid qarsoodi ah, waxaana la diyaariyay Sanaadiiqda lagu codeyneyno si looga tiriyo, waxaana goobjoog ahaan xarunta ugu sugan mas’uuliyiin katirsan DFS oo deegaan doorashadoodu tahay Hir-Shabeelle oo maalmihii lasoo dhaafay Jowhar tagay.
La soco wixii kasoo kordha.
Axadle