DFS oo soo bandhigtay nin ay sheegtay in uu Miino geliyay

War kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose in ay kusoo saareen saddex Miino & ninkii geliyay wadada isku xirta Buufow Bacaad & Janaale.

DFS ayaa sheegtay in ay gacanta ku heyso ninkaan oo wajahaya Maxkamad, waxaana ay sheegtay in ciidamo roondo waday ay ku guuleysteen gacan ku dhigista Ninkaan oo ku howlanaa miino aasidda.

Howlgalkaan waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidamada DFS gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar oo mas’uul ka ah sugidda ammaanka wadada isku xirta Buufow & Janaale oo ay ku sugan yihiin kadib markii ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

DFS Ma sheegin magaciisa iyo meesha lagu maxkamadeynayo ninkaan, balse Dowaldda Federaalka ayaa tilmaamtay in loo gudbinayo hay’adaha garsoorka oo shaqadoodu tahay maxkamadeynta shaqsiyaadka falalkaan oo kale lagu soo qabto.

Hay’adaha ammaanka DFS ayaa howlgalo miino baaris ah ka sameeya waddooyinka ay isticmaalaan oo marar kala duwan lagu qarxiyay miinooyin lagu aasay jidadkaas, waxaana wehliya Askarta AMISOM.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More