“Degmo ahaanta Guriceel waxa la horgeynayaa Xukuumadda &
Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa dul istaagay xaaladaha amniga, duruudaha siyaasadeed, Waxbarashada iyo caqabadaha ku horgudban maamulkiisa.
Qoor-Qoor ayaa sheegay in ay dagaalka kaliya ee la ogol yahay uu yahay kan ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana uu dalbaday in maamul iyo shacab in ay iska kaashadaan howlaha sugidda amniga.
“Dagaalka kaliya ee Galmudug ka bannaan waa kan lagu wajahayo Cadawga, wixii kasoo hara aqbalimayno, Reer Galmudug waa in ay wax ka bartaan dhibaatooyinkii & halgankii loosoo galay Magaaladaan Guriceel” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.
Dhanka kale, waxa uu ka hadlay Degmada Guriceel, maadaama uu sheegay in aysan kamid ahayn Degmooyinkii ay aqoonsaneed Dowladdii Dhexe ee Kacaanta 1990-kii, balse dadaal ay la timid.
“Guriceel dhinac waliba oo laga eego waxa ay kamid tahay Degmooyinka ugu horeeyo Galmudug, Sidaas darteed waa in la dhameystiraa sida sharciga ee Degmada aqoonsi buuxda leh looga dhigayo, Guriceel kama mid ahayn Degmooyinkii ka horeeyay 1990-kii, xaq ayay u leedahay in ay Degmo ahaato, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbineyso si baarlamaanka loogu sii gudbiyo sifo sharci ahna Degmo ahaanteeda loo saldhigo, in badan ayaa loo magacaabay, balse waa in dastuurka la marsiiyaa” Sidaasi waxaa yiri Hogaamiyaha Galmudug.
Hogaamiyaha Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu u diyaarsan yahay kahortagga wax waliba oo kicin kara colaad, maadaama dadka kunool deegaannada qaar lagu xanto in ay abuuraan colaad, balse loo baahan yahay in boggaas madow la xiro.
Axadle.