“Dadkaan Cidna uma maqna Ceelna uma qodna ee hurdada halaga
Xildhibaan Mahad Salaad
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Facebook waxa uu uga hadlay qaraxii ka dhacay Maqaaxi ku taalla Magaalada Muqdisho ee sababay dhimashada, dhaawaca & khasaaraha maaliyadeed.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu qoraalkiisa kusoo bandhigay falcelinta Dowladda Federaalka, waxa shacabka Soomaaliyeed la gudboon & Dhalinyarada oo dhibaatada ugu badan dalka la kulanta.
Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsiyeen kadib waxa uu sheegay uu eedeyn la dul istaagay Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo ku dhaliilay in uusan tacsiyeen u quurin dadka dhibka ku gaara Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Qoraalka Mahad oo inta badan dhaliil ah ayuu ku sheegay in Hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tacsi lasoo boodo marka uu qof ku dhinta dunida cirifkeeda sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxa uu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay “Dadkaan Cidna uma Maqna Ceelna uma Qodna ee hurdada halaga kaco si hambada hartay loo badbaadiyo”.
Hogaamiyayaasha DFS, Xisbiyada Mucaaradka ah & shaqsiyaadka siyaasadda ku lugta leh ayaa dhaliil isku daba-jooga, marar kala duwan ayay isu jeediyeen eedeymo kala duwan, iyaga oo isu jawaaba xiliyada qaar.
Axadle.