Xundubey: Dhibaatada ka taagan Muqdisho waxaay gabaad iyo fursad kartaa Sineysaa Al-Shabaab iyo Daacish

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee khilaafka.

Wasiir Xundubey wuxuu sheegay in xoogaga ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya ay ahaayeen xoogag leh dhaqan mooryanimo oo uu sheegay inay dhac iyo dil u geysteen dad rayid ah.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in ciidamada ay ku qasbayaan dadka shacabka ah inay ka baxaan guryahooda, taasoo uu ku tilmaamay nasiib daro.

Xundubey oo lahadlayay hogaamiyaasha mucaaradka ee kasoo horjeeday mudo kordhinta Madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay inaysan aheyn inay hoy u noqdaan dad aysan iyagu maamuli karin.

“Waxaan u sheegayaa madaxda dalka dagaaladu aafeeyeen inaysan magan u noqon xoogag aysan sii xakamayn karin oo ay yeeshaan dhaqan maafiya ah oo dhibaato ku ah shacabka Muqdisho” ayuu yiri wasiir Xundubey.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ay fursad siisay Al-Shabaab oo uu sheegay inuu marwalba ka faa’iideysto dhibaatada jirta.

Ugu dambeyntiina, wasiir Xundubey wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay in ay maamusho oo ay la wareegto guud ahaan magaalada Muqdisho, laakiin wuxuu sheegay in ay u turayaan dadka isla markaana ay kula dagaallamayaan inta lagu jiro bisha Ramadaan degmooyinka shacabka.

Hadalka wasiirka amniga ee xukuumada waqtigeedu sii idlaaday ayaa ku soo aadaya xili xoogaga ka soo horjeeda waqtiga kordhinta ay fariisimo cusub ka sameysteen degmooyinka Hodan, Howl-Wadag iyo Warta Nabada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More