Daawo: Mid kamid ah hogaamiyaasha xoogaga mudo kordhinta oo hadlay

Muqdisho (Axadle) – Ciidamada Milatariga ee ka soo horjeeda muddo kordhinta Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa fariisimo cusub ka sameystay degmada Howl-Wadaag gaar ahaan xaafadaha ku dhow dhow xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Cabdulqaadir Maxamed Warsame oo ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii dagaalka kula hadlay warbaahinta aagaga dagaalka ee degmada Howl-wadaag ayaa sheegay in xoogaga ka soo horjeeda kordhinta ay la wareegeen degmooyinka Shanta-Geed, Bakaaraha, Sayidka iyo Hotel. Wehliye.

Korneel Cabdulqaadir ayaa sheegay inay si cad uga soo horjeedaan muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay in kaliya lagu qancin karo in Farmaajo uu is casilo ama uu qabto doorasho guud.

“Dagaalku wuu soconayaa ilaa aan ka gaarno hadafkeena ah in Farmaajo is casilo ama doorasho qabto, mana dhamaan doono ilaa aan ka dhimanno” ayuu yiri Gaashaanle Cabdulqaadir.

Sarkaalkaan ayaa saxaafada tusay dhamaan difaacyadiisa waxa uuna goordhow ku hanjabay inuu la wareegi doono xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo taabacsan mucaaradka degmada Howl-wadaag ay isku dhaceen, iyagoo sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kordhinta.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta deggan, waxaana dib u billowday isku socodkii gaadiidka iyo xoogagga mucaaradka ee aagaggii lagu dagaallamay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More