Daawo: Ganacsato ka cawday Farmaajo walaalkiis

Muqdisho (Axadle) – 48-dii saac ee la soo dhaafay, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay guux la xiriira Ganacsato la sheegay in koonto gaar ah loogu xiray keenista Jaadka/Qaadka, kaasoo sare u qaaday qiimaha.

Ganacsatada iibisa jaadka oo warbaahinta kala duwan ee Caasimadda la hadlay  Ayaa  caabasho ka muujiyeen 3-Nin ooo ay sheegen in koontadda keenista qaadka loo xiraay, taas oo uu hogaaminayo walaalkiis ayey sheegeen.

“Waa dulmanahay oo cid aan u dacwoono ayaa weynay, dad ayaa naloo garbo-doobay ganacsi xor ah maaha dowladuna waa u jeeda, marka dulmigaas hanalaga soo gaaro oo hoos ha-noola-fiirsho, dowladda hanala aragto waxa aan ku dhibanahay, qaasatana dadka magaalada Muqdisho jooga oo Hereriga gada waa dhibanahay,” ayuu yiri Ganacsade kamid ah ganacsatada qaadka iibisa ee warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale waxay sheegen in ragga uu horkacaya Farmaajo walaalkii iyo saraakiisha garoonka ay isku xiran yihiin, taasi oo meesha ka saareysa in ganacsato kale ay ayagu lasoo dagaan Qaadka, islamarkaana ku qasbaysa inay ayaga un ka qaatan, sida ay sheegen.

“Waxaa dacwo ka nahay dadka uu Jaadka u afduuban yahay, Madaxweyne Farmaajo walaalkiis ayuu u afduuban yahay iyo saddexda Nin ee u shaqeysa”.

Waxay baaq cod dheer ah u direen madaxda sarre ee waqtigooda dhamaaday, gaar ahaan ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, waxayna codsadeen in laga qabto Ninka ay sheegen inay walaalo yihiin Farmaajo.

“Waxaan idiin sheegayna shacabka halkaan isugu imaadeen ee Soomaaliyeed waxaan cabasho ka nahay jaadka Hereriga, dad ayuu u qorsheysan yahay. Anagu waxaan nahay Shacab ku dhiman, haddaan gadno $15 waxaa naloo soo yeerinayaa $42, waxan u shaqeynaba ma garaneyno, dadkaana nalama hadlaanba”.

Waxay arrintaan imaneysa muddo kadib markii ay dowladda federaalka ku dhawaaqday in ka ganacsiga qaadka Hereriga uu u furan yahay umadda Soomaaliyeed, islamarkaana uusan jirin in cid gaar ah uu ugu xiran yahay.

Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo horaantii sanadkaan warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Anigoo ku hadlaya magaca dowladda federaalka Soomaaliya, waxaan halkaan ka cadeynayaa in cidna uusan u xirneyn ka ganacsiga qaadka, keliya qofka ka ganacsanaya waxa looga baahan yahay in hu sharcigeeda soo maro oo uu liisan soo qaato.”

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka, iyadoo cabasho ay ka timid ganacsatada qaadka iibisa oo ka dhan ah ninka ay sheegeen in ay walaalaha yihiin Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More