Cabdi Xaashi oo magacaabay Guddiga doorashada Gobolllada

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta oo Sabti ah magacaabay Xubnaha Guddiga hirgelinta Doorashada Dadban 20/21 ee Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi).

Guddiga uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka kooban 8-Xubnood oo ka shaqeynaya Doorashada Soomaaliya 20/21 qaybta Gobollada Waqooyi ee Gobaladda Waqooyi si waafaqsan heshiiska hogaamiyayaasha heer federaal & heer Dowlad Goboleed.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa sheegay in la baalmaray habraaca heshiiska loo gudbiyay Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wadajir u ansixiyay 26-kii September 2020.

Magacyada xubnaha Guddiga ayaa kala ah:

1-Maxamed Cali Cabdullaahi.

2-Fahad Mubaarak Xaaji Yuusuf.

3-Aadan Faarax Ibraahim.

4-Saynab Abiib Aqli.

5-Naciima Cali Obsiiye.

6-Khaalid Ibraahim Axmed.

7-Ayuub Yuusuf Saalax.

8-Ismaaciil Xasan Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Golaha  Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu soo saaray Khamiistii 19-ka November 2020 ku sheegay in uu yahay “Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya  (Gobaladda Waqooyi).

Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobollada Waqooyi ee uu soo saaray guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Raysul Wasaaraha Soomaaliya uu horay u Magacaabay guddiga doorashooyinka.

Cabdi Xaashi oo soo saaray habraaca doorashada Xildhibannada labada gole ee Gobolada Waqooyi!

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More