Bixitaanka Askarta Mareykanka ee Soomaaliya oo fursad u
Sida uu daabacay Wargeyska Foreign Policy, tallaabada Hogaamiyaha xilka ka degaya Mareykanka ee Donald Trump uu Soomaaliya ugu saarayo Ciidamada ka jooga waxa ay fursad u noqon kartaa Shiinaha & Ruushka oo tartan dhanka Militariga & ganacsiga uu ka dhaxeeyo.
Wargeyska waxa uu sheegay in bilawga Bishaan November 2020 uu Trump go’aansaday dhaqangelinta go’aanka Askarta Mareykanka ee Soomaaliya in uu ka saaro kahor inta uusan xafiiska wareejin.
Waxaa la fahamsan yahay in tallaabada Trump ay ku beegan tahay maalmo kahor xil wareejinta oo ah bartamaha Janaayo 2021-ka, waxa uu ku saarayaa Ciidamo u dhaxeeya 650 ilaa 800 oo Askari oo Soomaaliya u jooga caawinta Ciidamada DFS & kuwa AMISOM.
Saraakiil horay uga tirsanaa maamuladii Mareykanka ee ka horeeyay Trump ayaa ka digay in lagu degdego fulinta go’aankaas, sababtu waxa ay ku sheegeen in xasiloonida Soomaaliya wali aysan saldhigan, Taageerada Mareykanka oo gaarin halkii bartilmaameedka ahaa iyo awoodda Al-Shabaab oo wali taagan.
Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha diyaaradaha duulliye la’aanta, natiijada kasoo baxday waa in hoos loo dhigo weerarada Al-Shabaab, waana sababta ay ku doodayaan saraakiisha dooneysa in Askarta Ameerikaanka ay baaqi kusii aahaadaan Soomaaliya.
Janaayo ilaa May 2020-ka, Mareykanka waxa uu fuliyay 40-weerar, halka sanadkii hore 2019-kii uu geystay 63 duqeyn, taasi waxa ay muujisay kaalinta Donald Trump uu siiyay howlgalkiisa Soomaaliya, maadaama Madaxweynihii ka horeeyay ee Barack Obama 2016-kii laga diiwaangeliyay 14-Duqeyn.
Qubarada Mareykanka ayaa soo jeedisay in haddii lagu dhaqaaqo qaadista Ciidamada Mareykanka ay fursad u noqon karto Waddamada Shiinaha iyo Ruushka oo daneynaya in ay saldhigyo ku yeeshaan Geeska Afrika.
Balse Mareykanka ayaa ku adkeystay in ay baaqi kusii ahaanayaan Ciidamadiisa dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Jabuuti & Kenya si uu xaaladda kor kala socda, inkasta oo Xukuumadda Nairobi uu weystay in uu ka fulin karo weerarada Duqeynta ah.
Ruushka ayaa mar damcay in uu saldhig military ka dhigto Magaalo Xeebeedka Berbera ee Gobaladda Waqooyi, sababtu in Dowladda Soomaaliya xiriir wanaagsan ay la leedahay Xukuumadda Washington, iska markaana uu daneynaya in uu ka muuqdo Geeska Afrika.
Tan iyo sanadkii 2016-kii, Xukuumadda Moscow waxa ay qiimeyn iyo codsi ku dayeesay Soomaaliya si ay u hesho saldhig Ciidan, iyada oo fursad ka dhiganeysa la dagaalanka Al-Shabaab.
Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uusoo baxay go’aanka Donald Trump ee la bixista Askartiisa durba ka falceliyay, waxa uu dalbaday in Xukuumadda Washington aysan ku degdegin saritaanka Ameerikaanka Jooga Dalka.
Dhanka kale, Wargeyska Foreign Policy ayaa sheegay in Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya in uu heli karo fursad kasii wanaagsan tan uu haatan heysta, sababtu waa in qaadi karo tallaabo uu ku sheegayo in uu ku xoojinayo howlgalkiisa & kaalmada Soomaaliya.
Qubarada ciidanka ee la hadashay Wargeyska Foreign Policy ayaa sheegtay in Soomaaliya ay door firficoon ku leeyihiin Waddamada Mareykanka, Turkiga & Qadar, halka Dalalka Ruushka, Shiinaha & isu tagga Imaaraatka Carabta ay daneynayaan in ay helaan marin ay kasoo galaan.
Haddaba, Suuragal ma tahay in Mareykanka uu guud ahaan Ciidankiisa ka jooga Soomaaliya uu kala baxo Bartamaha Janaayo 2021?
Isha: Foreign Policy / Axadle.