Bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay oo ku saabsan dagaalada Muqdisho
Muqdisho (Axadle) Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagalladii xalay iyo shalay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasoo horjeedo muddo kororsiga.
UN-ka marka koowaad waxay cambaareyneysaa rabshadaha ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay walaac ka muujinayaan isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa daacada u ah kacdoonka siyaasadeed.
UN-ka ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo deganaansho.
“UN-ka Soomaaliya waxay si qoto dheer uga walaacsan tahay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan dhinacyada inay is xakameeyaan.
Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Rabshadaha jawaab uma ahan ismariwaaga siyaasadeed ee taagan. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan dhinacyada inay dib u bilaabaan wadahadalada deg degga ah.”
Hadalkan ka soo yeeray Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadaya xili xaalada magaalada Muqdisho ay yara deggan tahay, kadib dagaaladii shalay iyo shalay ka dhacay Axadle, iyadoo labada dhinac ay wali isku hor fadhiyaan furimaha dagaalka.