Bal u fiirso: Muxuu Taliyaha Africom kala hadlay Axmed Madoobe? – Axadle
Kismaayo (Axadle) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AFRICOM), General Stephen Townsend.
- Advertisement -
Madaxweynaha ayaa la kulmay taliyaha isagoo kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al-Shabaab oo hada gacanta ku haya deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland oo ay ku jirto Axadle maamulkaasi Bu’aale.
“Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu lakulmay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Africa, Africom, General Stephen Townsend oo booqasho kuyimid Jubaland. Kulankan ayaa looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa la dagaalanka argagixisada iyo sidii Mareykanku uu door firfircoon uga qaadan lahaa kahortaga argagixisada halista ku ah umadda Soomaaliyeed, ayaa lagu yiri qoraalka ku xusan bogga Facebook ee madaxtooyada Jubbaland
4-tii Maajo, Axmed Madoobe wuxuu magaalada Kismaayo ku qaabilay saraakiil ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AFRICOM) oo uu Mareykanku hoggaaminayo, waxaana Jubaland ay xilligaas shaacisay in kulanka diiradda lagu saaray iskaashiga dagaalka lagula jiro al-Shabaab
Hoos ka daawo kulanka Axmed Madoobe iyo sayidka