Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle oo maanta dooranaya

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Magaalada Jowhar waxaa maanta oo Arbaco ah ka dhaceysa Doorashada Guddoomiyaha & labada ku xigeen ee DG Hir-Shabeelle, waxaana u loolamaya 6-ruux oo buuxiyay shuruudaha la hordhigay.

Xubnaha xildoonka ah ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay Xildhibaannada si ay u weydiistaan codkooda, maadaama Sadeexda kursi ay ku tartamayaan min labo xubnood, sidaas awgeed cod dheeri lagu kala guuleysanayo.

- Advertisement -

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) ayaa ku loolamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, midkood ayaa qabanaya Xilkaas, maadaama kaliya labadooda ay ku tartamayaan.

Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame & Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle waxa ay isu diiwaangeliyeen qabashada jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee DG Hir-Shabeelle.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxaa ku loolamaya Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan & Xildhiban Canab Axmed Ciise oo kursigaan ku fadhisay 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Haddaba, Yaa ku guuleysan kara Xilalka Guddoonka Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle ee maanta la dooranaya?

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes