AUN Raxma Maxamuud Gacal Marwada Madaxweynihii

Magaalada Nairobi Caasimadda Kenya waxaa maanta oo Jimco ah 26-ka Maarso 2021 ku geeriyootay AUN Raxma Maxamuud Gacal oo ah Marwadada Madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo isla Nairobi ku geeriyooday 10-kii Maarso 2021.

- Advertisement -

Sida ay Axadle u xaqiijiyeen xubno katirsan ehelka Marxuumadda, Raxma Maxamuud Gacal waxa ay muddo ku xannuunsaneysay Magaalada Nairobi, iyada Seygeeda geeriyooday 16-Cishe kahor waxaa loo geeyay Kenya xaalado caafimaad.

Marxuumadda ayaa muddooyinkii dambe xannuunsaneen, ugu dambeyn maanta ayay ku geeriyooday Kenya, waxaana ka tacsiyeeyay shaqsiyaad kala darejo duwan oo aqoon u lahaa & kuwo saaxiibo ay ahaayeen Seygeeda Cali Mahdi Maxamed.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta oo kamid ah dhinacyada ka tacsiyeeyay ayaa alle ugu baryay in uu u naxariista Marxuumad Raxma Maxamuud Gacal.

“INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN, Waxaan murugada la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska M/weynihii hore Cali Mahdi Maxamed, annagoo uga tacsiyeyneyna geerida ku timid Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo ku geeriyootey magaalada Nairobi. Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna allaha naga siiyo” Sidaasi waxaa yiri Shariif Sheekh Axmed.

AUN Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Kenya.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More