“Argagixisadu waxa ay Gubtay 7-Gaadiid oo nuuca Xamuulka
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Captain Sadiiq Adan Cali Doodishe.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Al-Shabaab xalay fiidkii ay gudbtay 7-Gaadiid oo ah kuwa Xamuulka ah kuwaas oo ka tagay Degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Booliiska Soomaaliya ayaa tilmaamay in Gaadiidkaan Xamuulka ah Al-Shabaab ku qabatay bannaanka hore ee Tuulada EMED KOOREY ee Gobolka Bakool, isla markaana ay dab qabadsiiyeen sida hadalka loo dhigay.
Ma sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay Gaadiidka Xamuulka ah ee la gubay, Tirada Dadka la socday & waxa ay Al-Shabaab ku sameysay, balse baaris la xiriirka howshaas ay u socoto sida uu sheegay Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.
“Xalay abaare 08:00 fiidnimo ayay Argagixisadu ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bannaanka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah ayaa kasoo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur. Lama oga qasaaraha nafeed ee rasmiga ah ee dabku geysatay” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.
Al-Shabaab kama aysan hadlin ilaa haatan eedeynta Booliiska Soomaaliya ee ah in ay gubeen Gaadiid xamuul ah oo u rarnaa Gobolka Bakool, Deegaanno & degmooyin dhowr ah ayay Al-Shabaab go’doon gelisay.
Axadle.