Aragti kala fogaanta Doorashada DFS & Musharixiinta. –

Kala qaybsanaanta Dowladda Federaalka & Musharixiinta ku hamineysa in ay isu soo taagaan Xilka Hogaamiyaha ayaa sii kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa marka la eego kulamada iska soo horjeeda, tallaabooyinka siyaasadeed & arrimo kale.

Doodda oo duugneed waxa ay xooggeeda soo ifbaxay markii lagu dhawaaqay Doorashada Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed, kadib markii Musharixiintu ay sheegeen in ay ka bar-garteen shaqsiyaad katirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulamada Siyaasadeed waa joogto oo waxa ay u muuqdaan in ay isugu jawaabayaan fadhiyada, tallaabooyinka loo qaadayo gaarista Doorashada 20/21 & la kulmidda xubnaha miisaanka ku dhex leh Dowladda iyo caalamka.

Tusaale: Guddiga Doorashada Xukuumadda ay ku xareysay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay Guddoon, halka Musharixiinta dhankooda ay soosaareen 28-xubnood oo shalay ku dhawaaqay guddiga ay ugu magac dareen badbaadinta qaranka.

Labo cishe oo keliya ayaa ka dhimman waqtiga loo qorsheeyay in lagu soo gaba-gabeeyo Doorashada Senatarada Aqalka sare BFS, balse ma dhammeystirna Guddigaas, maadaama Hogaamiyaha DG Jubbaland uu soo gudbinta xubnaha ku matalaya Doorashada 20/21 shuruud uga dhigay in Gobolka Gedo laga soo qaado Ciidanka DFS.

Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa ku doodeysa in aysan ku qanci Karin Guddi dhanka Dowladda ka socda & shaqsiyaad barahooda Bulshada ku muujiyay taageeranimada Hogaamiyaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba, kala Aragti fogaanta Guddiga Doorashada ee DFS & Musharixiinta saameyn intee la eg ayay ku leedahay qabsoomidda Doorashada 20/21?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More