Amnesty oo Mareykanka ka dalbatay in uu magdhaw ka bixyo
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa war ay soosaartay ku sheegtay in Mareykanka kahor inta uusan ka bixin Soomaaliya laga doonayo bixinta magta dadka dhibka ku gaartay duqeyntiisa.
- Advertisement -
Amnesty ayaa sheegtay in go’aanka Mareykanka uu muujinayo sida uu uga baxayo Soomaaliya bartamaha bisha Janaayo 2021-ka, balse ay jiraan qoysas dhibbane u ah waxyeelo ka gaartay hubka Ameerikaanka.
Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa 4-ta December 2020 xoojisay dalabka Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo in Soomaaliya uu uga saaro Askar ku dhaw 700 oo howlgal u jooga.
Hay’adda ayaa sheegtay in ay muhiim tahay bixinta magdhawga dadka ehelkooda ku dhintay howlgalka Mareykanka & kuwa ku dhaawacmay oo qaarkood jirkooda ka muuqata waxyeelada gaartay.
Madaxa Amnesty International ee Geeska & Koofurta Afrika Deprose Muchena ayaa ku dooday in xaq lagu leeyahay Xukuumadda Washington tahay bixinta magta dadka wax ku noqday howlgalkooda sida ku xusan shuruucda caalamiga ah.
“Waxa keliya la eegayo waa hubinta cadaaladda iyo ilaalinta shacabka, in magdhaw la siiyo dadka ehelkooda wax ku noqday howlgalka waa mid sharci ah, haddii uu sidaas kusoo afjarmayo howlgalka Mareykanka, balse haddii uu sii soconayo waa in taxadar dheeraad ah loo yeeshaa rayidka ku sugan meelaha la duqeynayo” ayuu sii raaciyay Muchena.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa 20-kii March 2020 soosaartay Warbixin la xiriirta rayid waxyeelo ka gaartay duqeyn Mareykanka uu ka fuliyo Koofurta Soomaaliya, haseyeeshee waxaa arrintaas dafiray AFRICOM.
Markale ayay 1-dii April 2020 soosaartay Warbixin kale, iyada oo sheegtay in ay wareysatay ehelka dadka dhibka ku gaaray, isla markaana ay la wadaageen sawirrada muujinaya, balse Mareykanka uu qirtay xiligaas.
Haddaba, Mareykanku miyuu magdhaw ka bixin doonaa dhibka uu ku geystay howlgalkiisa Soomaaliya?
“Mareykanka Rayid ayuu ku dilay Soomaaliya” Amnesty International
Amnesty oo sheegtay in duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah.
Mareykanka oo ka hadlay eedaha Hay’adda Amnesty ee dilka rayidka Soomaaliya.
Isha:- Amnesty Internation / Axadle.