Al-Shabaab oo sheegatay in ay dagaal ku qabsatay Deegaanka
Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay xili hore weerar ay ku qabsatay Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidamada DG Galmudug iyo taliska qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka.
Dagaalka oo muddo socday ayay sheegatay Al-Shabaab in gacanta ku heynta Deegaanka dhankooda soo gashay, isla markaana ay gudaha u galeen xeryaha Ciidamada halkaas ku yaalla sida hadalka ay u dhigtay.
Ilaa 5-gaari oo ah nuuca dagaalka ayay sheegtay Al-Shabaab in ay ku qabsatay dagaalka, hub kala duwan gaar ahaan Qoryaha lagu xiro Gawaarida waaweyn ee loo yaqaan Zuug oo labo gaari saarnaa, Labo Cabdi Bile oo ay ku xiran yihiin qoriga Dhashiikahaha iyo gaari kale oo ku rakiban Qoriga B10-ka loo yaqaan.
Sooma bandhigin khasaaraha ka dhashay weerarka Shabaab ay ku qaaday Saldhigga Ciidan ee ku yaalla Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, Sidoo kale ilaa haatan kama aysan hadlin DG Galmudug.
Gobollada Mudug iyo Galmudug waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay kala sameynayeen Ciidamada DFS gaar ahaan qaybta 21-aad, askarta DG Galmudug & Al-Shabaab.
21-kii June 2020, Al-Shabaab ayaa weerar ay u adeegsatay gaari walxaha qarxa ay kusoo rartay ku weerartay xeradaan, balse taliska qaybta 21-aad ayaa sheegay xiligaas in uusan khasaare gaarsiin qaraxaas, isla markaana ciidamada ay toogteen wadaha.
Axadle.