Al-Shabaab, hay’adda maalgalisa Xamaas ayaa la weeraray, la xiray – Axadle
Berlin (Axadle) – Urur lagu eedeeyay inuu maalgeliyo Xamaas iyo Al-Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ayaa lagu soo rogay cunaqabateyn dhaqaale sida uu sheegay wasiirka arimaha gudaha Jarmalka Horst Seehofer.
Ansar International oo lagu eedeeyo inay maalgaliso Xamaas iyo Al-Shabab ayaa xarunteeda dhexe ku taallo dalka Jarmalka oo laga aasaasay.
- Advertisement -
“Ansar International waxay maalgelisaa ururada argagaxisada ee adduunka oo dhan,” ayuu afhayeen Steve Alter ku qoray bartiisa Twitter Arbacadii.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in sida kaliya ee loola dagaalami karo ururada argagixisada ay tahay in dhaqaalaha laga jaro.
Steve Alter ayaa yiri “Haddii aad rabto inaad la dagaallanto argagixisada, waa inaad kheyraadka yareeysaa”.
Wasiirka arimaha gudaha Jarmalka ayaa sidoo kale ku eedeeyay kooxda Islaamiyiinta ah inay lacago aad u fara badan u direen ururada ka jira Syria, Xamaas ee Falastiin iyo Al-Shabaabka Soomaaliya.
Ciidamada amniga ee Jarmalka ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda ka sameeyay toban gobol maanta: Rhineland-Palatinate, Baden-Württemberg, Bavaria, Berlin, Brandenburg, Hamburg, North Rhine-Westphalia, Lower Saxony, Schleswig-Holstein iyo Hesse.
Ansar International oo ay saaran tahay cunaqabateyn dhaqaale ayaa weydiisaneysaa deeq bixiyaasha in ay ugu deeqaan dadka ku nool dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Falastiin, Lubnaan iyo Suudaan.