AFRICOM oo soo bandhigtay Muuqaalka Duqeyn ay ka fulisay

Taliska howlgalada Mareykanka u qaabilsan Qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa baahiyay Muuqaal laga duubay meel u dhaw Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe oo 10-kii December 2020 duqeyn ku bartilmaameedsadeen.

- Advertisement -

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaas oo dhacay 1-da Duhurnimo ee Khamiista in lagu dilay 8-xubnood oo Al-Shabaab katirsan una qaabilsan qaybta qaraxyada, halka lagu dhaawacay labo kale sida Mareykanka uu sheegay.

Burbur xooggan ayaa gaaray dhismaha goobta gantaallada Ameerikaanka ay ku dhaceen, waxaana muuqaalka laga qaaday goobta ka muuqda olol & uuro meel dheer ah & burburta goobta la weeraray.

Mareykanka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka dhashay iskaashi wadajir ah oo dhexmaray Dowladda Soomaaliya & Taliska AFRICOM, kadib markii ay heleen xogta goobta weerarka lagu qaaday.

Xukuumadda Washington ayaa ku doodday in ujeedka howlgalka duqeynta Soomaaliya ay tahay kahortagga qatarta Al-Shabaab, Caawinta Dowladda Federaalka & Askarta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

Axadle.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More