32 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay koofurta
Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhimatay 108 qof oo kalana waa ku dhaawacmeen shil tareen oo jimcaha maanta ah ka dhacay koonfurta Masar sida muuqata ka dib markii mid ka mid ah darawalada uu xakamayn waayay bareega degdega ah.
- Advertisement -
Isku dhaca ayaa sababay in seddex baabuur oo rakaab ah ay rogmadaan isla waxaana muuqaalo la soo galiyay baraha bulshada ay muujinayaan burburka gawaarida isku dhacday iyo dad ku xayiran gudaha iyo hareeraha halka shilku ka dhacay.
Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa miyir daboolmay halka kuwa kale la arkaayay iyagoo dhiig baxaya.
Maamulka tareenada ee Masar ayaa sheegay in tareenada ay isku dhaceen ka dib markii loo dhiibay “shaqsiyaad aan la aqoon” meel u dhow magaalada Sohag, oo qiyaastii 500km (260 mayl) koonfurta ka xigta caasimada ah ee Qaahira.
Shilka ayaa yimid ka dib markii mid ka mid ah tareennada uu istaagay midka kalena uu gadaal kaga dhacay, maamulka ayaa baaraya sida uu sheegay maamulka tareenada ee dalka Masar.
Xafiiska dacwad oogaha guud wuxuu sheegay in ay sidoo kale amartay baaritaan deg deg ah.
Sawir muujinaya dad ku soo ururay hareeraha burburka ka dib markii ay laba tareen isku dhaceen degmada Tahta ee gobolka Sohag Jimcihii [AFP]“Tareenada ayaa isku dhacay iyaga oo ku socday xawaare aad u sareeya, taas oo horseeday burburka laba gaari iyo mid saddexaad oo rogmaday, ”ilo wareed aan la magacaabin oo dhanka amaanka ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.
Hogaamiye Abdel Fattah el-Sisi wuxuu balan qaaday inuu ciqaabi doono kuwa ka masuulka ah burburka halista ah.
“Qof kasta oo shilkan xanuunka badan ka sameeya dayacaad ama musuqmaasuq, ama wax la mid ah, waa in lagu qaadaa ciqaab adag oo aan dib loo dhigin,” el-Sisi ayaa ku yiri Twitter-ka.
El-Sisi ayaa u sheegay Raiisel wasaare Mostafa Madbouly in uu tago goobta uu shilku ka dhacday isaga iyo wasiirada caafimaadka iyo iskaashiga bulshada, sida uu sheegay telefishanka qaranka.
Masar waxay leedahay mid kamid ah shabakadaha tareenka ee ugu faca weyn uguna waa weyn Waqooyiga Afrika shilalka sababa qasaaraha nafeedna ayaana caadi ka noqday.
Tiro koob rasmi ah ayaa muujinaya in 1,793 oo shil tareen ah ay ka dheceen sanadkii 2017 wadanka oo dhan.
Sannadkii 2018, Al-Sisi ayaa sheegay in dowladda ay u baahantahay ilaa $ 14.1bn si dib u habayn loogu sameeyo khadadka tareenada.
Sannad ka hor, laba tareen oo rakaab ah ayaa isku dhacay meel ka baxsan magaalada dekedda leh ee Alexandria, halkaas oo ay ku dhinteen 43 qof. Sannadkii 2016-kii, ugu yaraan 51 qof ayaa ku dhimatay markii ay isku dhaceen laba tareen oo rakaab qaada meel u dhow Qaahira.
Shilkii tareen ee ugu xumaa ee ka dhaca Masar wuxuu dhacay 2002, markii in ka badan 300 oo qof ay dhinteen ka dib markii uu dab ka kacay tareen xawaare ku socda oo ka soo kicitimay Qaahira kuna sii jeeday koonfurta Masar.