10-ka Cishe ee loo qabtay magacaabista Guddiga Farsamo ee

Bilawgii bishaan waxaa la jadwaleeyay habraaca doorashada 20/21 oo fure u ah dhismaha Guddiga farsamo & xalinta khilaafaadka oo min labo xubnood laga sugayo Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada.

Go’aankaas ayaa u muuqda ku dhaqaaqistiisa in uusan kasoo gudbin oo uu soo dhaafin miiskii wada-xaajoodka, maadaama 20-cishe oo laga joogo waqtigii la saxiixay & tobankii u gaarka ahaa laga soo gudbay, isla markaana aysan jirin howl muuqata oo dhankaas ka socota.

Hogaamiyayaasha heshiiska gashay kama aysan hadlin waxyaabaha hortaagan in ay ku dhawaaqaan labo xubnood ee Dowlad Goboleed waliba laga doonayo, dhammaan afka ayay ka xirteen sida in ay isku ogyihiin oo kale.

Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maalmo soosaaray warqad uu ku dalbanayo in lasoo dadajiyo magacaabista guddiga farsamada & xalinta khilaafaadka ayaan jawaab ka helin Maamul Goboleedyada xaanshida uu u diray.

Warqadda Rooble waxaa laga reebay DG Koofur Galbeed & Gobolka Banaadir oo qayb ku lahaa saxiixa heshiiska laga gaaray Doorashada, inkasta oo aan jirin cid ka hadashay ujeedka looga reebay & haddii xubnahooda ay diyaarsadeen.

Howsha magacaabista guddiga farsamo ayaa astaan u ah dhaqangalka Jadwalka Doorashada Soomaaliya 20/21, ujeedka ayaa ah in xubnahaan inta ka dhiman bishaan iska dhex doortaan guddoonkooda & sida ay howsha u wadayaan.

Haddaba, Suuragal ma tahay in Saacadaha ka dhiman muddo ballameedka lagu magacaabayo Guddiga farsamo & xalinta Khilaafaadka malagu soo magacaabi karaa?

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More