Taliska ciidanka xoogga dalka & Hirshabeelle oo ka hadlay

Askari ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo ku dhagan qoriga laga rido gawaarida dushooda.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 143-aad Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa waxa uu warbaahinta ciidamada ee SNA radio u sheegay iney dileen laba sargaal oo ka tirsanaa Al-shabaab, kadib howl-gal ciidamada ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ee Koonfur galbeed Soomaaliya .

Waxa uu tilmaamay inuu howl-galka yimid kadib xuuraan ay heleen oo ku saabsan in tuulooyinka Below iyo Nuunaay ay soo gaartay in ciidamo hubeysan oo Al-shabaab ah ay soo gaareen.

Taliye Axmed Xasan Siyaad ayaa waxa uu qeexay in ragga ay dileen lagu kala magacaabi jiray Ciise Tima-weyne , balse loo yaqaannay Abuu Dheere oo ahaa Abaan-duule iyo sargaal magaciisa uu kusoo koobay Qoorey oo uu sheegay in uu dhinaca sakaawaadka uu ka shaqeynayay.

Dhankale Wasiirka amniga maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay tuulooyinka Basra iyo Daniga oo ah tuulooyin istiraatiiji ah oo dhaca gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiir Kheyre ayaa intaasi ku daray in dagaalkaan qorshahiisa uu lahaa maamulka Hirshabeelle, islamarkaana la doonayo in lagusoo celiyo amniga waddadaas oo dhowr jeer ooh ore lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Marka laga yimaado warkaan kasoo baxay ciidamada militariga Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle, waxaan arrintaan illaa iyo hadda ka hadlin Al-shabaab.

Dhowaan ayuu maamulka Hirshabeelle kala hadlay midowga Afrika iyo AMISOM in laga taageero arrimaha nabad-gelyada , xilli dhowaan la filayo iney dhacaan doorashooyinka maamulkaas iyo tii dowladda dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More