Maraykanka oo Shiinaha uga digay in ay weerar ku qaado

Lataliyaha amniga qaranka ee Mareykanka ayaa uga digay Shiinaha Arbacadii isku day kasta oo lagu doonayo in Taiwan xoog lagu qabsado, isagoo qiray in mugdi badan uu jiro sida Mareykanka uga jawaabi doono hadii Shiinuhu weerar ku qaado Taiwan.

Robert O’Brien Lataliyaha amniga qaranka ee Mareykanka ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad ka dhacday Jaamacada Nevada ee Las Vegas isaga oo intaas ku daray in Shiinuhu uu ku howlan yahay xoojinta awoodiisa badda waxa uuna isbarbar-dhig ku sameeyay  isku daygii Jarmalka ee ahaa inuu la tartamo Ciidanka Badda ee Ingiriiska kahor Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

“Ma ahan hawl fudud, sidoo kale waxaa jira mugdi badan oo ku saabsan waxa Mareykanku ka yeeli doono jawaabta weerar Shiinuhu uu ku qaado Taiwan,” ayuu yiri, markii la weydiiyay talaabada Maraykanka qaadi karo haddii Shiinuhu ku dhaqaaqdo iskuday uu qabsanayo Taiwan.

Taiwan waxay u baahantahay in ay “isu rogto mid borotokool ah” militeri ahaan, ayuu yiri, isagoo intaa ku daray: “Libaaxyada guud ahaan ma jecla inla xanta-xanteeno.”

Mareykanka waxaa looga baahan yahay sharci ahaan inuu siiyo Taiwan qaab uu isku difaaci karo, laakiin ma aysan caddeyn in ay faragelin militari ku sameynayso haddii uu shiinuhu weeraro, waana arrin horseedi karta khilaaf xoogan oo soo kala dhexgala Beijing iyo Washington.

Hadalada O’Brien waxa ay ku soo beegmayaan xilli Shiinuhu si weyn kor ugu qaaday dhaqdhaqaaqa militariga ee u dhow Taiwan iyo markii xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha uu hoos ugu dhacay meeshii ugu hooseysay muddo tobanaan sano ah ka hor ololaha madaxweyne Maraykanka Donald Trump uu ku doonayo in dib loo soo doorto 3 Nov.

Taiwan oo madaxbaani sheegata, ayaa caalamku u aqoonsanyahay in ay si rasmi ah u hoos tagto Jamhuuriyadda Shiinaha, waxa ayna ku yaal Bariga Aasiya. Wadamada deriska la ah waxaa ka mid ah Shiinaha oo ka xigta waqooyi-galbeed, Japan dhinaca waqooyi-bari, iyo Filibiin oo dhinaca koonfureed ka xigta.

15 Wadan ayay xiriir laleedahay oo uu Maraykanku ugu tunwaynyahay,dhawaan ayay xiriir la samaysatay Gobaladda Waqooyi oo sheegata in ay Soomaaliya ka go’ay inkastoo wali loo aqoonsanyahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Isha:Reuters, Al Jazeera & Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More