Fiiri: General Gacma Dulle wuxuu bixiyay digniin culus – Axadle

Muqdisho (Axadle) – General Cali Cosoble Caraay (Gacma-dulle), oo kamid ah hogaamiyaasha Ururka Badbaado Qaran, ayaa maanta la hadlay ciidamadii ka gadooday mudo kordhinta sharci darada ah ee loo sameeyay, taasoo lagala noqday markii ay caasiyoobeen.

Jeneraal Gacma-dulle wuxuu marki ugu horaysay amar ku siiyay ciidamada nabad sugida qaranka inay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka isla markaana ay dhaqan galiyaan heshiiskii dhawaan lagu heshiiyey ee ku saabsan xiisadii keentay in ciidamadu soo galaan Caasimadda Muqdisho.

Wuxuu ka digay isku day cusub oo lagu doonayo in dalka si sharci daro ah loogu xukumo wuxuuna balan qaaday in marnaba aan loo oggolaan doonin in dalka lagu xukumo kali talisnimo iyo gacan ku rimis, sida uu yiri.

Dadku waxay yiraahdeen ciidankani waa maleeshiyo yar oo magaalada soo gashay waxaan caddeynayaa inay yihiin xoogaga ugu awooda badan dalka ee diidan in isbahaysi la dhiso iyo in xoog lagu qabsado dalkan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xuquuqdii ay lahaayeen ciidamada nabad sugida qaranka ee lagu kala diray intii uu socday iskahorimaadka dib loo soo celin doono isla markaana ay ka soo bixi doonaan waajibaadka saaran ee dhanka ciidanka ah.

“Waad ogtihiin in Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Amniga Qaranka ay kulmeen oo ay ka wada hadleen, waxaana ku xaqiijinayaa ciidanka hortooda inaan ka wada hadalnay in xuquuqda iyo darajooyinka lagu xadgudbay la xallin doono labada toddobaad ee soo socota.

Ugu dambeyn, wuxuu kula dardaarmay ciidamada inay fuliyaan dhaartii ay mareen, iyagoo ilaalinaya dastuurka dalka iyo kan Soomaaliya u degsan, iyadoo laga fogaanayo u adeegidda cid gaar ah

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More