Sevilla Oo Horyaalka LaLiga Gacanta U Gelisay Atletico, Actual Madrid Oo

Kooxda kubadda cagta Actual Madrid ayaa ka hor-joogsatay Actual Madrid in ay qabato hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga, waxaanay barbarro 2-2 ah ku wadaageen garoonka Alfredo Di Stefano ee Actual Madrid.

- Advertisement -

Sevilla ayaa bandhig cajiib ah muujisay qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana gool u dhaliyey Fernando oo kubbad uu ka helay Rakitic ku dhex-maamushay difaaca Actual Madrid, kaddibna si fudud u dhaafiyey goolhaye Thibaut Courtois.

Actual Madrid ayaa gool dhalisay ka hor intii aanay Sevilla helin goolka koowaad, waxaana madax ugu dhaliyey Karim Benzema hase yeeshee markii uu dabbaal-degga dhamaystay ayaa waxa laga soo daawaday VAR, taas oo xaqiijisay in Alvaro Odriozola oo kubadda soo dhiibay uu ku jiray Offside ka hor intii aanay kubaddu soo gaadhin.

Actual Madrid ayaa ku dhibaatootay garoonka qaybta hore oo ay daadihinaysay Sevilla, waxaase ay isbeddel samaysay qaybta labaad iyadoo uu goolka barbarraha u dhaliyey Marco Asensio oo beddel kusoo galay.

Asensio oo ciyaarta soo galay daqiiqaddii 66aad ayaa goolka dhaliyey daqiiqaddii 67aad, waxaana kubbad uu Toni Kroos ugu dhiibay dhinaca midig uu ku miisaamay darbo iyadoo aanu kubadda qabanin, sidaasna waxay ciyaartu ku noqotay barbarro 1-1.

Actual Madrid ayaa isku-qortay in ay heshay goolka guusha daqiiqaddii 78aad, markaas oo Karim Benzema uu lasoo baxsaday kubbad uu kalidii yahay, taas oo uu ula tegay goolhayaha Sevilla ee Yassine Bounou oo lugta qabtay, waxaana lavatory dhigay rikoodhe.

Laakiin VAR ayaa joojisay in kubaddaas rikoodhaha ama laadka xorta ah lagu laado Sevilla, waxaanay soo bandhigtay dhacdo ka dhacday xerada ganaaxa Actual Madrid, taas oo ahayd in koorne lasoo laaday ay kubaddu gacanta kaga dhacday Eder Militao ka hor intii aanay iska soo saarin ee aanay Benzema soo gaadhsiinin kubadda.

Garsooraha ayaa indhihiisa kusoo fiirsaday gacanta Militao oo ay shaki geliyeen garsoorka fadhiyey VAR, waxaana Benzema oo kubadda haystay, diyaarna u ahaa in uu laagto lagu amray in uu u dhiibo Ivan Rakitic isla markaana rikoodhaha lagu laadayo Actual Madrid.

Los Blancos ayaa dawakhaad iyo layaab ku dhacay, waxaana uu garsooruhu ku amray in ay dib uga joogsadaan xerada ganaaxa oo ay isku kaliyeysteen Rakitic iyo Courtois.

Laacibka reer Croatia ee Ivan Rakitic ayaa kubadda ku hubsaday shabaqa, iyadoo uu dhinaca qaldan u diray Thibaut Courtois.

Actual Madrid ayaa ugu dambayntii heshay goolka barbarraha oo waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray uu u dhaliyey Toni Kroos oo bannaanka ka toogtay goolka, taas oo kasii dhex-baxday lugaha difaaca Sevilla ee Diego Carlos, kana leexiyey jihadii ay ku socotay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-2.

Actual Madrid oo fursado badan iska lumisay kulankan ayaa waxay kusoo laabatay kaalinteedii labaad  ee ay hore ugu jirtay, halka Barcelona ay u degtay saddexaad, laakiin Atletico Madrid ayaa natiijada kulani uu faa’iido weyn u yahay waxaanay laba dhibcood ku haysaa hoggaanka xilli saddex ciyaarood oo kali ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More