Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo Taageera dhaqaale u dalbday

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide ayaa ka hadlay saameynta dhaqaale ee laga dhaxlay Dagaalka Ismaamulka Tigray & Ciidamada Federaalka & kaalmada ay u baahan tahay Dowladdiisa.

- Advertisement -

Axmed Shide oo Warbixin siinayay Guddiga Fulinta ee Iskaashiga Horumarinta ayaa sheegay in dhibaatooyin dhaqaale xumo, Xaalado Bani aadamnimo & raadinta nabadda aan looga maarmin Ismaamulka Tigray, kadib markii uu martigeliyay Howlgalka Sharci kusoo celinta Gobolkaas.

Waxyaabaha keenay in Dowladdiisa ku qasbanaato fulinta howlgal militari ayuu ku sheegay in markii Kooxda TPLF ay kasoo gudubtay Xad dastuureedka, marar kala duwan la gaarsiiyay Digniin laga maarmi waayay in Ciidamada Difaaca Itoobiya ay ka gutaan waajibaadkooda.

Wasiir Axmed Shide ayaa Dowladdiisa ku amaanay in si feejigan ay u fulisay howlgalka uu ugu magac daray Sharci soo celinta, sabab la xiriirta badqabka Shacabka iyo in laga dheeraado dhibaato waliba oo ka dhalan karta.

Axmed Shide Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa intaas ku daray in Dowladdu ay diyaarisay Gurmad loo qorsheeyay Muwaadiniinta kunool Gobolka Tigray, iyaga oo kaashanaya dhinacyada ka qaybqaata horumarinta.

Shide ayaa ku baaqay in laga gacansiiyo dhaqaalaha ku baxaya dib u dhiska Gobolka dhaca Waqooyiga Itoobiya ee Tigray oo todobaadyo ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Federaalka & kooxda TPLF.

Kooxda uu la kulmay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide waxaa xubno ka ah: Bangiga horumarinta Afrika, Xafiiska Arrimaha dibadda & barwaaqo sooranka, Midowga Yurub, Jarmalka, Sweden, Denmark, Qaramada Midoobay, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka USAID & Bangiga Adduunka.

Ismaamulka Tigray waxaa kunool dad gaaraya 4.96 Milyan oo ruux sida ku cad daraasaddii ugu dambeysay ee lagu sameeyay sanadkii 2014-kii, boqolaal qof ayaa ku dhintay oo ay qayb ka yihiin dhinacyada dagaalamay, tiro intaas ka badan waa ay dhaawacmeen & Kumanaan ay isaga cararay dalkooda, halka qoysas kale ay ku go’doomeen Magaalooyinka kala duwan.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More