Suudaan oo Muwaadiniinta Suuriyaanka ah kahor istaagtay in

Qaxooti aad u badan oo ka kooban Carruur, Haween & dhalinyaro reer Suuriya ah ayaa u safray Dalal kala duwan oo u badan kuwa Yurub, Afrika & Carabta si ay u helaan meelo ka nolol wanaagsan dhulkooda.

- Advertisement -

Dadkaan ayaa sababta ugu weyn ay u safrayaan ku sheegay in aysan u dulqaadan Karin hubka la isu adeegsado & xaaladaha dhanka bani aadamnimo ee dalkaas oo sal-kiciyay qoysas badan oo ka ladnaa dhibka heysta.

Waddamo dhowr ah oo Turkiga ugu horeeyo ayay gaareen, inta badan Dowladaha waa ay soo dhaweeyeen shacabkaan dhibbanayaasha u noqday colaadda aan soo afjarka lahayn ee Suuriya ka taagan.

Dowladda Suudaan ayaa soosaartay amar ku socda Qaxootiga Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya, waxa ay kahor istaagtay in Baasaboorkooda lagu dhufto Visa (Dal ku gal) si ay u deegaansadaan.

Qaxootiga Suuriya waxaa soo dhaweeyay Dalal kala duwan oo Caalamka ah waxaana kamid ah Soomaaliya oo dhanka Xasiloonida ka roon meelaha ay kasoo tageen dalkooda sida ay sheegeen qaarkood.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More