Sucuudiga oo cunaqabatayn ku soo rogay dowladda Turkiga! –

Madaxa Rugta Ganacsiga ee Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku baaqay in la qaadaco “wax kasta oo Turki ah” oo ay ka mid yihiin soo dejinta, maalgashiga, iyo dalxiiska, isaga oo leh “waa masuuliyadda qof walba oo Sacuudi ah”, warbaahinta maxalliga ah ayaa werisay.

- Advertisement -

Baaqa qaadacaadda ayaa yimi ka dib markii madaxweynaha turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in qaar ka mid ah wadamada khaliijka carabta ay bartilmaameedsanayaan turkiga isla markaana ay wadaan siyaasado khalkhal galinaya xasiloonida gobolka.

 “Waa inaan la iloobin in wadamada laga hadlayo aysan shalay jirin, lagana yaabo inaysan berri jiri doonin; si kastaba ha ahaatee, waxaan sii wadeynaa inaan calankeenna ka sii babado gobolkan weligiis, idanka Alle, ”ayuu yiri Erdogan Khamiistii, isagoo la hadlaya Golaha Guud ee Turkiga.

Hadalkiisa ayaa dhaliyay ficil celin, iyadoo madaxa Rugta Ganacsiga ee Sacuudi Carabiya Ajlan Al Ajlan uu ku baaqay in la qaadaco badeecadaha Turkiga.

“Qaadacida wax kasta oo Turki ah, ha ahaato heerka soo dejinta, maalgashiga ama dalxiiska, waa mas’uuliyadda qof kasta oo Sucuudi ah – ganacsade iyo macaamil – iyadoo laga jawaabayo cadaawadda sii socota ee dowladda Turkiga ay u hayso hoggaankeenna, dalkeenna iyo muwaadiniinteenna,” ayuu yiri Al Ajlan qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Haddii amarkan la raaco, waxay saameyn ku yeelan doontaa kumanaan dhoofiyaal Turki ah xilli dhaqaalaha Turkiga uu ku jiro fawdo” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Liraha Turkiga ayaa hoos ugu dhacaya heerkii ugu hooseeyay Isniinta ee in ka badan 7.7 marka loo eego doolarka Mareykanka sida laga soo xigtay dhaqaalo yahanada dalkaasi.

Liraha ayaa ka mid ah lacagaha ugu liita ee soo mara adduunka sannadkan, iyadoo hoos u dhacday boqolkiiba 22, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Saamaynta coronavirus oo ay weheliso xiisad xagga lacagta ah oo bilaabantay 2018 waxa ay horseedday hoos u dhac dhaqaale, iyadoo keydka guud ee sarrifka lacagaha qalaad ee bangiga dhexe ee Turkiga uu hoos u dhacay ku dhowaad kala bar sannadkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More