Sawirro: DF oo shaacisay inay howl-gal ku dishay 15 ka tirsa…

- Advertisement -

Muqdisho (Axadle) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya.

Howl-galka oo mid ballaaran ayaa waxaa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ururka 16-aad ee Danab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay howl-galkan ku khaarijiyeen illaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo gaar ah oo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada laga sameeyey howl-gallada, isla-markaana ay cagta mariyeen goobahaasi oo ay ku sheegeen in laga soo abaabuli jiray weeraro.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab ee Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah gobollada ay si aadka ah ugu xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro kasoo abaabula halkaasi.

Si kastaba howl-galka Danab ka sameeyeen Jubbada Hoose ayaa qeyb ka ah howl-gallo saf ballaaran ah oo ciidamada huwanta ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More